Geed hoosaad gu’yaal jire ah, dhuuban oo jiljilicsan oo illaa 2 m ah, oo leh dheecaan cad. Caleemo iska soo horjeed u baxay, oo toosan, hareerahana ka buuxa. Ubax cad/labeen ah oo laacayaal godan leh. Midho wareegsan oo af dheer leh.
Sabo: Meelo dhagaxu ku badan yahay, ee cagta lagu badiyey, joog ah 700 – 1700 m.
Filiqsanaan: Jabuuti, Itoobiya, Waqooyiga Kiiniya iyo Tansaaniya.