Geed hoosaad aad u yar oo gu’yaal jire ah, oo ay aad u jecel yihiin riyuhu. Caleemo iska soo hor jeed u baxay, cagaar ah, oo sida waranka ah, hareerahana ka dhamaystiran. Ubax sida turumbada muusiga u samaysan, soosali khafiifa ah, oo xariijimo madaw ku leh dhuunta. Midho ku jira dahaadh.
Sabada: Dhul burciideed furan, joog ah 100 – 1500 m.
Filiqsanaanta: Kulaalaha Bariga Afrika iyo Carabaha