Geed gaab yar oo illaa 30 cm ah; jirridihiisa cusub huruud-cagaar yihiin, kuwiisa weynina dameeri. Caleemo iska soo hor jeeda, oo qaabka ugxanta ah, oo hareeraha ka buuxa. Ubax keli ama si dhawr ah uga baxay surdhubta caleenta; oo leh afar qaybood, midab caddaan ah oo calaamado soosali ah ku leh dibinta hoose, oo gas leh. Midho dahaadh ku jira.
Sabo: Dhul cawseed furan iyo dhul daaqsimeed aad loo daaqay; joog ah 190 – 1200 m.