Gu’yaal jire geed hoosaad ah oo illaa 45 cm ah; jirridihiisa cusub waa cagaar gas leh, kuwiisa duugga ahina waa dameeri. Caleemo isasoo eegaya, oo toosan, oo gas leh, arooreyaal soo muuqda iyo dhinacyo siman. Ubax si madi ah uga taagan surdhubta caleenta, buluug iyo caddaan ah, oo u samaysan qaabka turumbada. Midho ku jira dahaadh dheer oo gas leh.
Sabo: Kayn caleemaha daadisay oo leh carro furan, dhoobo iyo dhagax nuuradeed, iyo joog dhan 40 -1400 m.
Filiqsanaanta: Itoobiya, Kiiniya, Yaman, Baagistaan.