Geed illaa 20 m ah, jirrid taagan oo inta badan ay ku wareegsan yihiin buruuyin; caleemo leh iyo qolof sida sallaanka ugu taxan illaa jirrida sare. Caleemo dhafan, oo illaa 7 m dhereren, oo adag. Ubax laadlaada oo rucub ah oo cagaar/bunni ah, ama caddaan/Hurdi ah. Midho iniinyo-keliyaadle ah, oo qaabka ugxanta ah oo leh cad adag oo la cuni karo (timir).
Degmada: Goob kulul oo qallalan oo biyaha dhulka hoostiisu soo sarreeyaan, inta badan waxa loo beertaa midhaha. Joog ah illaa 1000 m.
Filiqsanaan: Afrikada kulaalaha, Jasiiradaha saxaaraha ah, Carabaha iyo Waqooyi-Galbeed Hindiya.
Fiiro: Aad buu adkaysi ugu leeyahay milixda.