Geed gaab hooseeya oo illaa 2 m ah, oo xubnihiisa oo dhan gas ku leh. Caleemo leh qodax dheer, oo si ballaadhan u wareegsan, oo hareeraha aan ka sinnayn. Ubax keli taagan, oo leh shan laace oo huruud ah, oo ku yaalla surdhubta caleenta. Midho si cidhiidhi ah u rasaysan, iyo iniinyo bunni ah, oo gas leh.
Sabo: Meelaha cagta lagu badiyey, joog ah illaa 1400 m.