Geed hoosaad gu’ jire ah, jirridiisu baahsan tahay, oo illaa 1 m ah dherer ahaan. Caleemo si ballaadhan ugxanta u shabbaha, oo dhanka hoose xarriijimo ku leh. Ubax soosali iyo casuus ah oo inta badan dhexdiisu tahay caddaan uu weheliyo basali. Midho leh gal wareegsan.
Sabo: Dhul dhireed furan, oo inta badan xilli roobaadka daadku maro, joog ah 50 – 1580 m.
Filiqsanaan: Ereteriya, Itoobiya, Yugaandha, Kiiniya, Tansaaniya, Angoola, Naamiibiya iyo Carabaha.