Geed hoosaad gu’yaal jire ah oo illaa 15 cm ah, oo leh dheecaan cad. Caleemo isasoo eegaya, oo leh samay, oo kuwa hoose ay ka ballaadhan yihiin kuwa sare, oo hareeraha ka buuxa. Ubax rucub ah oo Shan ka kooban oo ku yaal ruqurta caleenta; oo caddaan labeena ah, iyo laacayaal soo ceshen. Midho ah kiish ballaadhan.
Sabo: Burciid ama quruurux, joog ah illaa 1200 m.
Filiqsanaanta: Jabuuti, Ereteriya iyo Itoobiya.