Caralluma socotrana (Balf. f.) N.E. Br.
Family: Apocynaceae
(somali: Gawracato)
[Sanguilluma socotrana (Balf. f.) Plowes]
Caralluma socotrana image
Helen Pickering  
Awale & Jama (2018). Hordhaca dhirta badhtamaha Soomaalilaand.

Geed si cufan u baxa oo dherer ahaan korriinkiisu gaadho illaa 30 cm, Jirridihiisu waa cagaar khafiifa iyo buluug/cagaar oo leh xagtimo cawlaan ah. Ubax huruud ah oo dhibco casaan ama cawlaan ah leh, iyo dibno si ballaadhan saddex geesood u ah, oo casaan dukhula ah. Midho lammaan oo kiish ku jira oo ay u dhaxeeyaan gas fiican oo dhalaalaya.

Sabo: Kayn dhireed caleenta daadisa, ama saxare-xigeen, joog ah illaa 1500 m.

Filiqsanaanta: Saqadara, Itoobiya, Kiiniya.