Geed gaab marna geed dheer oo illaa 10 m gaadha. Laamo cagaar ah oo leh caleemo miisaanka u eeg. Ubax tiixtiix leh oo ku yaalla laanta dhammaadkeeda, oo caddaan iyo casuus ah.
Sabo: Hareeraha marin biyoodyada ay ku yaallaan dhirta caleenta daadisa, joog ah illaa 1000 m. Filiqsanaanta: Jabuuti, Kiiniya, Tansaaniya, Masar, Suudaan, Xeebta Galbeedka Afrika iyo Carabaha.