Geed hoosaad yar oo taagan, oo illaa 1 m gaadha. Caleemo badan oo toosan oo hareero siman leh. Ubax ku dul yaalla laamaha yaryar ee taagan, oo huruud khafiifa ah. Midho ku jira dahaadh.
Sabo: Saxare-xigeennada furan, ee inta badan u dhaw deegaannada, joog ah illaa 1600 m.
Filiqsanaanta: Itoobiya, Jabuuti, Waqooyiga Kiiniya, Iyo Carabaha.