Geed hoosaad gu’yaal jire ah oo illaa 45 cm gaadha, oo leh jirrid gaaban oo qori leh oo ka dul baxaysa badhi hoose. Caleemo laydi u samaysan oo leh hareero sida hirarka ah. Ubax sida masafka ah, oo casuus ah. Midho wareegsan, oo si gudban iskugu xidhan.
Sabo: Kayn, inta badan leh burciid cas ama ciid suubaaneed, joog ah illaa 1000 m.
Filiqsanaanta: Itoobiya