Grewia erythraea Schweinf.
Family: Malvaceae
(somali: Midhcaanyo)
Grewia erythraea image
Helen Pickering  
Awale & Jama (2018). Hordhaca dhirta badhtamaha Soomaalilaand.

Geed gaab isku cufan oo illaa 3 m ah, laamihiisuna dameeri yihiin. Caleemo talantaalli ah, cagaar khafiif ah, oo qaabka ugxanta ah, oo leh hareero miishaarta u eeg. Ubax cad oo leh shan laace oo gadaal u liicsan, oo faxalsideyaal isku dheggen leh, oo caleenta ka soo horjeeda. Midho wareegsan, oo marka ay qaangaadhaan cagaar ka tagaya oo huruud/casaan noqonaya.

Sabada: Kayn qallalan oo dhagax nuuradeed iyo mid fulkaane leh, joog ah illaa 1500 m.

Filiqsanaanta: Itoobiya, Ereteriya, Suudaan, Kiiniya, Yaman, Cummaan iyo Afgaanistaan.

Grewia erythraea image
Helen Pickering  
Grewia erythraea image
Marco Schmidt; Research Institute Senckenberg  
Grewia erythraea image
Rob Burrett  
Grewia erythraea image
Marco Schmidt; Research Institute Senckenberg  
Grewia erythraea image
Rob Burrett  
Grewia erythraea image
Marco Schmidt; Research Institute Senckenberg  
Grewia erythraea image
Rob Burrett