Geed dulin ah ama ku dul nool geed kale; laamihiisa yaryari gas leeyihiin. Caleemo talantaalli ah, oo giftinnadoodu hilboon yihiin, oo in ay wareegsan yihiin la moodo, oo gas leh. Ubax kooxo ah, oo ku yaalla surdhubta caleenta ama gummudaha gaboobay, oo sida tuunbada ah, oo casaan iyo huruud xiga. Midho leh hilib cas.
Sabo: Dhul dhireed noocyo kala duwan ka kooban, oo u badan nooca Maerua crassifolia, joog ah illaa 1350 m.
Filiqsanaanta: Itoobiya iyo Kiiniya illaa badhtamaha Tansaaniya.