Geed dulin ah oo ku dul nool geed kale. Caleemo sidii wax isku beegan ah, oo harag u eeg, oo qaab shaxan laydi ah u samaysan, oo yara godan. Ubax inta badan casaan dhalaalaya ah, oo godan, oo sida tuunbada ah. Midho leh hilib cas.
Sabo: Dhir caleenta daadisa, oo u badan kuwa qodoxda, joog ah illaa 1350 m.
Filiqsanaanta: Itoobiya, Ereteriya, Suudaan, Koonfurta Carabaha.