Geed gaab yar oo hilboon oo illaa 1.5 m ah, oo uu gas yari daboolay, jirridiisuna wax fananayso. Caleemo isku beegan, oo fudud, oo qaabka ugxanta ah, iyo hareero sida mawjadda ah. Ubax leh waran taagan, oo fiyooleet iyo caddaan ah, oo leh waaxyo ballaadhan. Midho qolof ku jira.
Sabo: Dhul kaymeed, joog ah 100 – 1650 m.
Filiqsanaan: Itoobiya, Ereteriya, Suudaan iyo Bariga Afrika.