Geed gaab yar oo leh caleemo dhuudhuuban, oo illaa 1.5 m ah, iyo jirrid leh timo kor u taagtaagan. Caleemo qaabka soodhka u samaysan, oo gas ku leh xagga hoose, hareerahana ka siman. Ubax caddaan ah oo leh laba dibnood, oo ta sare gas leedahay. Midho ku jira qolof.