Geedgaab illaa 3 m ah, oo laamo badan, iyo jirrid ay dabooleen timo caddaan ah. Caleemo talantaalli ah, oo midab ahaan dameeri/Cagaar ah, oo gas iyo qanjidho badan. Ubax keli iyo kooxba u baxay, oo sallaxan, hurdi khafiif ah leh iyo ur xooggan oo aan xiiso lahayn. Midho leh iniinyo qallafsan.
Sabo: Kayn leh dhagax-nuuradeed, joog ah 300 – 1400 m.
Filiqsanaanta: Itoobiya iyo Kiiniya.