Gu’yaal jire geed gaab ah oo cufan oo aad u laamo badan, oo dherer ahaan 1 m ah, ballac ahaanna 2 m ah. Caleemo inta badan 3 carrab leh oo carrabka dhexe ka ballaadhan yahay kuwa kale, oo gas leh, isla markaana leh aroore si fiican u muuqda. Xagga hoose ee caleentana ku leh 3 laamood oo xooggan oo leh ilko hurdi ah, oo inta badan lammaan. Ubaxu aad uma muuqdo, waa se cagaar xigeen isku beddeleya sidii buro hurdi-bunni ah. Iniinyuhu waxay ku dhex jiraan buradaas.
Sabo: Dhul cagta lagu badiyey, joog ah 800 – 1500 m.
Filiqsanaan: Asal ahaan ka soo jeeda Koonfurta Maraykanka, imika se ku fidaya dunida oo idil.
Fiiro: Xoolaha ayaa ku sumooba.