Geed gaab illaa 3 m gaadha, oo xagga hoose laamaha ka bixiya, oo leh qodxo gunta ka buuran. Caleemo kakan oo illaa 14 caleemood oo yaryar oo lammaan ka kooban. Ubax labeen ah oo qodax dheer leh. Midho ku jira dahaadh, qaabka doonta u samaysan, oo bunni-basali ah.
Sabo: Dhul dhirleh iyo kayn qallalan, joog ah illaa 1000 m.
Filiqsanaan: Itoobiya, Suudaan, Kiiniya, Yugaandha.