Gu’yaal jire geed gaab ah, oo illaa 40 cm ah. Jirrida waxay laamuhu kaga yaallaan xagga hoose. Caleemo toosan iyo hareeraha oo sida mawjadda u samaysan. Ubax keligii taagan, oo soosali khafiifa ah. Midho leh iniinyo qallalan oo qaabka laydiga u samaysan iyo xaad caddaan ah.
Sabo: Meelaha qoyan sida dooxyada, joog ah 500 – 1250 m.
Filiqsanaaanta: Itoobiya, Iriteriya, Suudaan, Masar iyo Carabaha.