Geed yar, oo illaa 3 m ah. Caleemo toosan, oo si xoonsan ugu yaal xagga hoose ee laamaha, iyo hareero sida mawjadda ah. Ubax casuus ah, oo sida masafta ah, oo leh shan malaace, oo ku dhagsan xagga hoose ee laanta. Iniinyo leh uskag cad oo gas ah.
Sabada: Dhul dhireed, saxare-xigeen, inta badan meelaha dhagaxa leh, joog ah illaa 700 m.
Filiqsanaanta: Afrikada saxaraha ka hooseysa ee Itoobiya illaa Galbeedka Afrika, Bariga Afrika iyo Carabaha.
Fiiro: Dhammaan xubnihiisa oo dhan xooluhu waa ay ku sumoobaan.