Geed hoosaad gu’yaal jire ah. Caleemo talantaalli u baxay, oo leh baabbaco toosan iyo dhinacyada oo siman. Ubax keligii ka baxay surdhubta caleenta; laaceyaal basali, guduud iyo caddaan ah oo qaybta hoose aad u ballaadhan tahay. Midho ku dhex jira qolof siman.
Sabo: Dhul dhireed, meel dhagaxu ku badan yahay oo u dhaw dhul beereed, joog ah illaa 1500 m.
Filiqsanaanta: Ku baahsan Afrika, Carabaha iyo Eeshiya.