Geed gaab isku cufan oo illaa 2.5 m gaadha oo jirridda qodxo ku leh. Caleemo dhuudhuuban oo si talantaalli ah iyaga oo kooxo ah uga baxay laamaha. Ubax caddaan iyo buluug ah oo u eeg turuumbada muusiga. Midho wareegsan oo ah cad cas.
Sabo: Caadi ka ah kaymaha, joog ah illaa 1800 m.
Filiqsanaanta: Itoobiya, Masar, Suudaan iyo Carabaha.