Geed hoosaad illaa 60 cm gaadha, oo gas leh. Caleemo laamaha yar ku yaalla, oo isku qumman, oo qaabka ugxanta u samaysan, oo hareeraha miishaarta uga eeg, oo aroorayaal muuqda leh, isla markaana gas leh. Ubax huruud ah, oo inta badan calaamado cas leh, oo gooni u taagan, oo caleenta ku ag yaal, oo mid sarrayso, afar waaxoodna hooseeyaan. Midho ku dhex jira qolof yar.
Sabo: Janjeedhada dhagaxa leh, dooxyada dhexdooda ama gidaarrada agtooda, joog ah illaa 600 m.