Geed hoosaad yar oo gu’yaal jire ah oo leh xidid liimi ah. Caleemo qaabka ugxanta ah, oo xagga hoose gas ku leh. Ubax caddaan iyo buluug ah oo leh waaxyo hoose iyo kuwo sare. Midho dahaadh ku jira.
Sabo: Dhagaxaan soo taagtaagan, joog ah 700 – 1550 m.
Filiqsanaan: Afrika oo idil, Yaman iyo Hindiya.