Geed gaab yar oo illaa 30 cm ah, oo uu daboolay gas caddaan ahi. Caleemo isasoo eegaya, oo qaabka ugxanta ah, iyo hareero buuxa. Ubax cagaar caddaan ah ama casuus ah. Midho siman oo ku dhex jira qolof cawlan.
Sabo: Dhul dhireed, janjeedhada dhagax nuuradeedka furan; joog ah 100 – 1600 m.
Filiqsanaanta: Soomaaliya.