Geed hoosaad gu’yaal jire ah oo qori leh, oo cimri gaaban oo illaa 30 cm gaadha. Caleemo isku toosan, oo siman, oo hareeraha ka buuxa. Ubax caddaan iyo casuus ah, oo sida turuumbada muusiga u samaysan oo leh shan waaxood oo kala duduwan. Midho cawlaan riba ah, oo ku dhex jira qolof.
Sabo: Dhul dhagaxleh oo illaa 1900 m ah.
Filiqsanaanta: Bariga Afrika illaa Koonfur Afrika iyo Botoswaana, Carabaha.