Geedgaab yar oo si fidsan u baxa, jirrid dhuuban oo leh xaad gaaban oo adag. Caleemo saddex-saddex ama shan-shan isku raacsan oo midka dhexda ku taallaa ugu yar weyn tahay, giftinnadana timo ku leedahay. Ubax huruud ah oo ay ka soo qotomaan faxal sideyaal soo taagan. Midho ku jira dahaadh.
Sabada: Dhul-dhireed qallalan, saxare-xigeen, joog ahaan illaa 1300 m ah.
Filiqsanaanta: Jabuuti, Itoobiya, Galbeedka Maali, sidoo kale Carabaha illaa Baagistaan.