Geed gaab ama geed illaa 6 m gaadha, oo qodxo ku leh laamaha waaweyn, jirridiisuna qarqarxsan tahay; laamihiisa yaryarina ay cawlaan casaan leh yihiin. Caleemihiisu ay 3 kastaa isku dhegen yihiin, oo gammuuran yihiin, isla markaana leeyihiin dhinacyo sida miishaarta ah. Ubaxyadiisu yaryar yihiin, oo ay leeyihiin tuyuub casaan ah. Midhihiisuna ay qaabka ugxanta yihiin, af dhuubanna leeyihiin.
Sabo: Dhul dhireed furan, joog ah 130 – 1000 m.
Filiqsanaanta: Itoobiya iyo Soomaaliya.