Geed hoosaad ah 10 – 100 cm, oo uu gas daboolay. Caleemo dhuudhuuban, iyo dhinacyo sida hirarka ah. Ubaxyo leh laba layn oo ku dhereren samay qalloocda, oo dhexdoodu tahay caddaan iyo huruud, oo leh ur aan fiicnayn. Midho ku dhex jira hilib cad oo wareegsan.
Sabo: Dhul dhireed dhagaxleh ama dhul burciid ah, joog ah illaa 1700 m.
Filiqsanaanta: Ku baahsan kulaalaha bariga Afrika iyo Carabaha.