Geed hoosaad gu’yaaljire ah oo ah illaa 90 cm; Jirrida hoose inta badan madaw tahay, jirridda sarena caddaan gas leh ay tahay. Caleemo si talantaalli ah u samaysan, oo isku dhafan, oo leh hareero sida miishaarta u samaysan. Ubax keligii taagan oo toosan oo laaceyaashiisu ay ku wareegsan yihiin xuddunta hurdiga ah. Midho leh iniinyo bunni ah oo gas leh.
Sabada: Dhul daaqsimeed nabaad guuray oo leh dhagax nuuradeed iyo dhagxaan, joog ah 1200 – 2300 m.
Filiqsanaantiisa: Itoobiya, Kiiniya, Tansaaniya, Saambiya iyo Carabaha.