Gu’yaal jire illaa 1 m ah. Caleemo sida waranka u samaysan oo dameeri/Cagaar ah, oo mid kastaa afka hore qodax fiiqan ka noqonayso. Ubax hurdi ah, oo lix sanno ka dib ka soo baxaya samayda ubaxa illaa 6 m dherer ahaan, ubaxaas oo isaga oo rucub ah si cidhiidhi ah uga soo baxaya laamaha gaagaaban ee ka soo baxsan samayda. Marka ay ubaxyadaasi qallalaan surdhubtu waxa ay noqotaa geed yar oo hoos u baxa oo dhulka marka uu gaadho xidid samaysta. Geedka weyni wuu dhintaa marka uu ubaxeeyo ka dib.
Filiqsanaanta: Xero-u-dhalad ka ah Badhtamaha Maraykanka, imika se si baahsan loogu beerto gobollada kulaaleyaasha.
Fiiro: Waxa loo isticmaala deyr nool. Miiqyadiisana waxa loo isticmaalaa in laga sameeyo xadhkaha, salliyada/cawda, burushyada. Soomaalilaand inta badan joonyadaha wax lagu rito ayaa beddelay bacaha wax lagu rito