Geed taagan, oo xooggan oo illaa 1.5 m ah, oo sameeya xidhmooyin ballaadhan; jirriddiisu waa dameeri/cagaar, xaglihiisana waxa si muuqata uga taagan ilko yaryar. Ubaxiisu waa casaan rib ah /bunni ah oo u samaysan sidii rucub wareegsan.
Sabo: Saxare-xigeen dhagax leh, joog ah 100 – 1000 m.
Filiqsanaanta: Afrikada saxaraha ka hooseysa laga bilaabo Jabuuit illaa Moritaaniya, Carabaha koonfureed.