Wuxu u baxaa si koox ah, si cufan ayuu laamaha uga bixiyaa jirrid badhtanka ku taal, dherer ahaanna wuxu gaadhaa illaa 40 cm, jirriddiisu waa widhwidh/dameeri oo leh xaglo qalloocan iyo ilko ballaadhan. Ubaxiisu waa xidhmooyin baarka sare ku yaal, oo soosali dukhula ah iyo dhexda oo hurdi ah, oo leh goobooyin badan oo madaw, iyo carrabyo leh miiqyo timo ah oo yaryar oo dacallada ah. Iniiniyo dusha ku leh miiqyo timo ah.
Sabada: Dhul dhireed furan iyo geed hoosaad, joog ah illaa 1800 m.
Filiqsanaanta: Jabuuti iyo Itoobiya.