Geed gaab cimri gaaban, gu’yaal jire dhir hoosaad ah oo illaa 2 m dhererkiisu gaadho, oo leh dheecaan cad. Caleemo iska soo hor jeed u baxay, oo qaabka soodhka ah, oo cagaar khafiifa ah. Ubax laba midab leh, soosali dukhul ah iyo laacayaal soo godan oo huruud khafiifa ah, kuwaas oo si rucub ah u soo laadlaada. Midho qaabka ugxanta ah oo af dheer leh, cagaar khafiifa ah oo ay dabooleen finan jilicsani. Iniinyo ay ku dhegsan yihiin timo yilix ah oo ka caawiya fiditaanka.
Sabo: Dhul cagta lagu badiyey oo furan iyo quruuruxa waddada dhinaceeda, joog ah 400 – 1800 m.
Filiqsanaan: Itoobiya Jabuuti, Suudaan, Waqooyiga Kiiniya iyo Ugaandha, Carabaha.
Fiiro: Xooluhu way ku sumoobaan.