Geed gaab hoose oo ah illaa 1.5 m. Laamaha da’da yar waxa daboolay gas huruud ah. Caleemo si iska soo horjeed ah u baxay, oo qaabka ugxanta ah, oo hareeraha ka siman. Ubax 2 - 3 kooxood ah oo qodxo iyo gas leh. Midho dahaadh leh.
Sabo: Dhul dhireed ciid suubaan leh ama dhagax nuuradeed leh, joog ah 40 – 1800 m.
Filiqsanaanta: Itoobiya, Kiiniya, Tansaaniya.