Gu’yaal jire geed-qori ah, oo aan hore u korin. Jirriddiisu waxay laamaha u bixisaa qaab gudban; qodxaantiisuna waxay gaadhaan illaa 80 cm. Caleemo isku qumman, yaryar, qaabka ugxanta ah, buluug xiga, oo hareeraha ka siman, oo xagga hoose ee jirridda saddex-saddex uga baxa, xagga sarena mid-mid. Ubax soosali ah, oo keli-keli ah, oo leh shan laace oo kala madax bannaan iyo faxal side huruud ah oo kor u soo taagan, oo udgoon. Midho ku jira qolof qaabka basasha u samaysan, oo gas leh.
Sabo: Dhul dhagaxleh oo furan, joog ah illaa 1500 m.
Filiqsanaanta: Carabaha iyo Bariga Hindiya.