Geed hoosaad gu’yaal jire ah oo fidsan oo dherer ahaan illaa 3 m iyo wax ka badan ah, oo leh jirrid; iyo xididdo badhi leh. Caleemo fudud, oo talantaalli ah, gas leh, oo 3 – 5 qaybood ka kooban, hareerahana ka xardhan. Ubax madi ah, oo hurdi ah. Midho wareegsan, cagaar ah, marka ay bislaadaanna huruud ah, hilib cad leh, oo aad u qadhaadh dhadhan ahaan.
Sabada: Dhul dhireed saxare-xigeen ah, joog ah illaa 1000 m.
Filiqsanaanta: Jasiiradda Saqaddara, Saxare xigeenka waqooyiga Afrika, Eeshiya iyo Ustareeliya.